Dadwaynaha Boorame Oo Ka Walaacsan Rag Xijaaban Oo Habeenkii Dadka Laaya

Dadweynaha magaalada Boorama ayaa walaac xoog leh ka muujinaya rag xijaaban oo habeenkii dadka ku laaya wadooyinka.

Arrintan oo magaalada laga hadal hayey toddoobaadkii u dambeeyeyba ayaa dhibaato kasoo gaartay tiro aan la cayimin oo ka mid ah dadweynaha magaalada lab iyo dhiddig midkuu doonaba ha ahaadee.

Hadahalhaynta ammuurtan ayaa soo xoogsatay kadib markii xalay laba dhalilinyaro oo ku kala nool xaafadaha woqooyiga iyo koonfurta midba wakhti gaar ah rag xijaabani dhaawacyo khatar ah gaarsiiyeen ,loona adeegsaday midiyo iyo faasas.

Mid ka mid ah dadka xalay dhaawaca culus lagu gaarsiiyey ayaa lagasoo xigtay in nin xijaabani toorryey ku weeraray markii uu ninkaasi isku dayey inuu jidka uga leexdo una qaatay haweenay xijaaban Hase yeeshee mar keliya inyuu kusoo booday middi cunaha kaga qabtay,hase yeeshee uu ka xoog batay tooreydiina iska qabtay ,balse dhagax weyn oo gacanta kale ku sitay u madaxa kaga dhuftay sidaana uu ku baxsaday ninkii xijaabnaa isna meeshii lagu weeray oo ku dhaweyd gurigooda lagasoo qaaday ,lana geeyey mid ka mid ah cisbitaalada oo haatan lagu daweynayo.

halka weerarka kalena nin xijaabani ku qaaday gabar maraysay meel bariga magaalada ah iyadana dhaawc lagaarsiiyey ,waxaasoo dhamina ay dhacayaan wakhtiyada yu dhexeeya 9ka fiidnimo wixii ka dambeeya.

ilaa waqtigan ma jirto wax war ah oo ku saabsan arrintaasi oo ay ciidanka amnigu kasoo saareen.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain