Deg Deg:- Ciidamada Puntland oo Weeraray Maleeshiyaad ay Isbaaro u Tiilay

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Puntland ay Goordhaw Weerar ku qaadeen Degaanka Cagaaran ee Gobolkaasi Mudug oo ay Isbaaro u Tiilay Maleeshiyo Hubeeysan.

Weerarka ayaa ku geeryooday Hal Ruux,iyadoona laba kala ay ku dhaawacmeen,sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Gobaka Mudug Axmed Muuse Nuur.

Dhaawacyada ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Guud ee Magaaadda Gaalkacyo,waxaana Ciidamada Puntland Ee Weerarka qaaday u suuro gashay in ay kala Eryaan maleeshiyaadkii Isbaaradu ay u Tiilay.

Maamulka Gobolka Mudug Ee Puntland ayaa sheegay in wadada isku Xirta Gaalkacyo iyo Garoowe lagu Dhibaateeyo Dadka Musaafurka ah.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain