Dowlada Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay Markab si sharcidarro ah uga kalluumaysanaayay xeebaha soomaaliya

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Markab si sharcidaro ah uga Kaluumeysanayay xeebaha Soomaaliya,kaasi oo hada lagu hayo Dekada Muqdisho.

Agaasimaga Guud ee Kaluumeysiga iyo kheyraadka dalka mudane Axmed Max'ed Isaaq ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in Dowlada Soomaaliya u suurta gashay inay gacanta ku dhigtay Markab si sharcidaro ah uga Kaluumeysanayay meel aan sidaa uga fogeyn Xeebaha Muqdisho,islamarkaana waday dhaq dhaqaaq aan banaaneyn.

Agaasimaha guud ee Kaluumeysiga iyo Kheyraadka dalka ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay in Dekada Muqdisho maalmo laga joogo shan maalin ku soo xirtay Markab Kaluumeysi,kaasi oo ka go'ay sahayda iyo shidaalkii uu ku howl galayay,waxaana danta ay biday shaqaalihii saarnaa iyo wadihii intaba inay ku soo xirtaan Dekada Muqdisho sidaasina gacanta loogu dhigo.

Wuxuu sheegay Axmed Max'ed Isaaq in Markabka ay saaran yihiin shaqaalo gaaraya 37-shaqaale oo la shaacin halka ay u dhasheen iyo 130-tan Markabka saarnaa.

Agaasimaha ayaa shaaca ka qaaday in Dekada Markab uu ku soo xirtay ay gaareen xeer ilaaliyaha guud iyo Hanti dhowrka Qaran,islamarkaana gabi ahaanba lagala wareegi doono Markabka waxa saaran ganaaxna ku dhici doono,sida uu hadalka u dhigay.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain