Faallo: Nin Gar Yiri Ma Tacadiyin

Faallo: Nin Gar Yiri Ma Tacadin

* * Waxaa cadaatay intii lagu jiray dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Gobolka Gardafuu in uu jiray ismaan dhaaf iyo isfaham la'aan ka dhex jirtay dadkii hawshaas ku jiray oo meesha qaar geel u heesaayeen qaarka kale gorayo u heesaayeen.

* Madaxweynihii hore ee Puntland Cade Muuse ayaa dabka ku furay maamulka madaxwayne c/wali Gaas khudbad uu ka jeediyey xaflad loogu dabaal degayay sanad guurada koowaad ee maamulka Gaas asagoo tilmaamay inay Dhibaato badan ay jirto loona baahanyahay in runta laysu sheego, wuxuuna kudaray in Nin la arkaba uu cabanayo , waa runtiis madaxwayne cadde (Cadde Ma Cadda ee warkiisaa Cad

Madaxwaye Yuu yahay cidda aad wax u qabatay, bulshada gobolka gardafuulna waa cabbanayaan.

* * Madaxwayne C/wali Gaas wuxuu aad ugu dadaalay door wayna ka qaatay sidii loo dhisi laha golayaasha degmooyinka gobolka gardafuu , waxaase u suurta gali waysay dhismaha golaha deegaanka murcanyo oo u indha-indhayn indhawaalaba ugu jiray madaxwaynuhu dhuxul dhagaxa iyo macdanta degaanka dhurbo.

*Bangiga horumarinta Islaamka ayaa Ceelal gaaraya 18 Ceel waxa uu ugu deeqay in laga hirgaliyo Puntland waxaana gobolka gardafuu loo qoondeeyay 2 ceel in laga qodo magaalooyinka muudiye iyo Qoraxaad Qoditaanka Ceelashaas ayaa waxaa fulin lahayd Hay’adda PL uqaabilsan Biyaha ee PSAWEN, marka ma cadaalad baa in 2-daas ceel oo midkood bulshadu bixisay lacagtii sahminta in loo weeciyo gobol kale iyo deegaano kale.

* *Waxa ilaa hadda lagu qadariyaa Madaxwaynihii Hore ee puntland Mudane C/raxmaan Faroole siyaasadiisii Adkayd ee ku wajahnayd Dawlada Fedraalka , waana lawada arkay mirihii ay siyaasadaasi dhalisay , laakin siyaasada Madaxwne C/wali gaas wali Ma cadda , marka ma waxay puntland ku jiraysaa xiriirkan u jarnay dawlada fedraalka iyo xildhibaandeena ha soo noqdaan !!!


BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain