Gudoomiyaha Degmada Baargaal oo ka qayb galay Doorashada Hogaanka Sare ee Ururka dawladaha hoose ee Puntland (Al-Gabal)oo Garoowe ka dhacday


Gudoomiyaha golaha Deegaanka Degmada Baargaal ahna Duqa Degmada Baargaal Mudane Abuukar axmad yuusuf oo mudooyinka hawla shaqo u joogay magaalada Garowe ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimada dawladda Puntland kaga qayb galay shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Ururka Dawladaha hoose ee Puntland ALGABAL oo ay Degmada Baargaal xubin ka tahay,ururkaas oo la aas aasay daba yaaqadii Sanadkii tagay.

Ururka ALGABAL ayaa magaalada Garoowe ee Caassimada dawlada Puntland ku qabsaday doorashada hogaanka ururka ee 5-ta sano ee soo socota,waxaana doorashada soo xaadiray 17 Degmo oo ka mid ah kuwa Puntland.

Gudoomiyaha Ururka ALGABAL waxaa isku taagay Duqa Magaalada Garoowe oo kaliya cabdicasiis Nuur Cilmi Koor waxaana uu helay dhamaan Degmooyinkii codaynayay, iyadoona halkaa Gudoomiyaha Ururka loogu doortay Duqa Garoowe.

Dhanka kale Gudoomiye kuxigeenka Ururka ayaa waxaa isku sharaxay Duqa Magaalada Boosaaso Xasan cabdalla xasan iyo Duq kuxigeenka Degmada Gaalkacyo Yacquub maxamed Cabdalla, waxaana Doorshada codaynteedii kadib loo doortay Gudoomiye kuxigeenka Ururka ALGABAL Yacquub maxamed Cabdalla oo helay 11 degmo codkood halka Maayarka Boosaaso uu helay 5 degmo.

ALGABAL ayaa Hay'ada UNHABITAT ay ka caawinaysaa Dhismaha xarun wayn oo ay yeelan doonaan dawladaha hoose ee Puntland waxaana Xaruntaan laga hirgalinayaa Magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland.




BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain