Hey’adda kaalmada caalamiga ah u qaabilsan Sweden ee Sida oo rabta in lacago malaayin ah dib loogu soo celiyo

Hey’adda kaalmada caalamiga ah u qaabilsan Sweden ee Sida ayaa imika ka dalbanaysa ururo lacag malaayiin ah oo ay hore u siisay, ururada oo looga shakisan yahay in aanay lacagtaa cashuur bixiyayaasha aanay si sax ah u isticmaalin

Sidaa waxaa daaha ka fayday warbixin ay hey’addu samaysay oo Telefeeshanka Qaranka Sweden ee SVT uu qayb ka ahaa.
Sannadkii hore ayaa 7,7 milyan oo koroon la siiyay urur ka shaqeeya waxbarashada caruurta Soomaaliya. Lacagtan badankeeda ayaa ku dhacday meel sax ah, balse fariin hoose oo soo gaadhay hey’adda Sida dhamaadkii sannadkii 2012 ayaa la ogaaday gal daloolooyin uu leeyahay ururkani.
Baadhitaan ay ururkan ku samaysay Sida, ayaa shaaca ka qaaday in ay wax ka dhiman yihiin 6 iskuul oo la dhisi lahaa, tan ayaa sababtay in Sida ay ururkan ka dalbato in uu dib u soo celiyo lacag dhan 1, 2 milyan oo koroon
Isha: SVT
SHABAKADA BAARGAAL.NET
Ishaad warark Cusub ee Dalka iyo Dunida  
Email:Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain