Markab sida Hubka noocyadiisa kala duwan oo lagu qabtay Dekeda Magaalada Berbera

Markab sida Hubka noocyadiisa kala duwan oo lagu qabtay Dekeda Magaalada Berbera



Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliland ayaa xaqiijiyay in Dekeda Weyn ee magaalada Barbara uu ku soo xirtay markab weyn oo ay saaran yihiin hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan Hubka cul culus.

Wasiir Waran cade ayaa sheegay in markabkan uu markii hore ugu soo xirtay magaalada Barbara in uu dejiyo Bagaash ay lahaayeen ganacsato reer Soomaaliland ah, balse lagu arkay hubkan.

Intaas waxa uu ku daray wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland in hubka uu sido Markabkan ay ka mid yihiin Gaadiid dagaal, Hubka Artileriga, Beebeyaal, Tigniko iyo weliba agabka kale ee ciidanka Militeriga oo ay ka mid yihiin doonyo yar yar oo kuwa dagaalka ah.

Waxa ku bilowday Markabkaas in laga dejiyo hubkaas, iyadoo ay sheegtay dowlada Soomaaliland in ay Hubkan heyn doonto inta laga helayo cidii laheyd ee uu markabkan u siday, waxaana sidaasi shaaciyay wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali waran Cade.

Shaqaalihii markabkan iyo naaquudaha ayaa sheegay in ay soo mareen meelo dhowr ah oo ay ka mid tahay dalka Suudaan, ayna ku siijeedaan wadamo ku yaala gacanka carbeed.

Sikastaba ha ahaatee lama xaqiijin karo in markabkan uu hubka u sido meel ka mid ah Soomaaliya iyo meel kaleba waxaana hubkan uu u muuqdaa kuwo dagaal oo loogu talagalay ciidamo badeed .


BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
Email: Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain