Qaraxyo ay Dadbani Kudhinteen Oo Kadhacay Dalka Yemen

Qaraxyo ay Dadbani Kudhinteen Oo Kadhacay Dalka Yemen
Ugu yaraan 37-qof ayaa ku dhimatay qarax Ismiidaamin ah oo subaxnidii hore maanta oo Arbaco ah ka dhacay magaalada Sanca ee ah xarunta Yemen, iyadoo ay ku dhaawacmeen weerarkaas 66-qof oo kale.


weerarka ayaa lala beegsaday dhismaha kuliyada policeka ee sanca oo dad badan joogeen oo ku taalla bartamaha magaalada Sanca iyadoo dadka dhintay la sheegay inay intooda badan ahaayeen ardayduu kuliyada iyo arady cusub oo rabaty inay isdiiwaan galiyaan kuliyada police-ka.

Dalka Yemen ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxaa ka jiray xiisado gacan ka hadal u badan oo u dhexeeyay ciidamada dalkaas iyo kooxo mucaarad ah oo doonayay inay xukuumadda ridaan.

“Gaadiid kuwa gargaarka deg-degga ah ayaa goobta yimid, dhaawacyo aad u fara badan oo dhulka daadsanaa ayayna qaadeen ayuu yiri goob jooge ka badbaaday qaraxa oo goobta ku sugnaa.

Kacdoonnada dalka Yemen ka jiray afartii sano ee u dambeysay ayaa sabababay in madaxweynihii dalkaas xukumayay 33-sano Cali Cabdale Saalax inuu xilka ka dago, si loo dhiso xukuumad wadaag ah oo ay qayb ka noqdaan kooxaha mucaaradka ah.

Inkastoo aanay jirin cid sheegatay weerarkan ayaa haddana waxaa kooxaha ku kacsan dawlada waxaa ay weeraro noocaan oo kale ah ka gaysteen dalka yemen waxaana dawlada dalka yemen ay horay u sheegtay in soo afjari doonto kooxaha ka dagaalama dalkaasi ee xariirka la leh kooxda alqaacid .

Baargaal.net
Ishaada wararka Cusub ee Dalka iyo Dunida 
Nagala soo xiriir : Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain