R/W Cumar C/rashiid oo wakhti dheeraad ah ka codsaday guddoonka Barlamaanka Fedraalka

R/W Cumar C/rashiid oo wakhti dheeraad ah ka codsaday guddoonka Barlamaanka Fedraalka
Raiisal wasaaraha xukuumada Fedraalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid cali sharmaake ayaa waqti dheeraad ah ka codsaday Guddoonka Baarlamaanka si uu usoo dhameystiro xukuumadiisa oo hadda ay magacaaban yihiin 20 wasiir oo kaliya, una diyaariyo qorshihii uu horkeeni lahaa Baarlamaanka.

Raâiisal wasaaraha oo ay is-arkeen GuddoomIyaha Baarlamaanka Fedraalka iyo ku xigeenadiisa, ayaa waxaa uu si rasmi ah uga codsaday in la siiyo muddo toddobaad ah ilaa khamiista danbe 5-da February.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa u sheegay in codsigaas aanu shaqeyn karin mar haddii Baarlamaanku u codeeyay in Sabtida 31-ka Janaayo codka kalsoonida loo qaado xukuumada cusub. Waxayna Raiisal wasaaraha kula taliyeen inuu isaga laf ahaantiisa tago baaralmaanka oo codsigiisa u jeediyo.


BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
email: Baargaal@gmail.com
Fikirkaagu ha noqdo mid wax dhisaya
Developed by Jago Desain