Sawirka Maanta :Madaxtooyada Puntland Iyo Saxaafada Maxaa Kala Haysta

Sawirka Maanta waxaan kaga hadlaynaa waxa kala haysta qaar kamid ah saxaafada Puntland iyo madaxtooyada iyadoo Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland ay buufis iyo sas ka qaadeen wararka iyo warbixinada ay qoraan website-yada Qaar gaar ahaan kuwa laga leeyahay caasimada Puntland ee Garowe.

website-yadaas ayaa warbixino  iyo documentiyo sir ah iyo dhacdooyinka ka dhex dhaca madaxtooyada iyo xarumaha wasaaradaha xukuumada C/wali gaas si joogto ah u soo daabacda taasoo sababtay in  qaar badan oo kamid ah masuuliyiinta xukuumada C/wali Gaas shaki kala qaadaann iyaga iyo dadkii ka ag-dhawaa ayagoo xataa ka baqa  inay la kulmaan qaraabdooda baqdin ay ka qabaan in saxaafada lagu soo Daabaco.

Madaxtooyada Puntland ayaa dhinaca kale aad u riyaaqda warbaahinta dhexdhexaadka ah ee ka warbixisa horumarka iyo waxqabadka Xukuumada  C/wali Maxamed Cali Gaas  ishana ka laabata cabashooyoinka iyo dhaliilaha loo jeediyo xukuumada Gaas.

sawirka maanta ayaa muujinaya nooca warbaahinta ay ka hesho madaxtooyada puntland

Daawasho wacan



BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain