Tirakoob lagu wado shaqaalaha Dawlada Puntland

Dowladda Puntland ayaa ku howlan tirakoob lagu ogaanayo shaqaalaha dowlada Puntland , shaqaalaha Puntland ayaan la' ogayn tiradooda rasmiga tan iyo dhismihii dowlada Puntland sanadkii1998, waxaa jira shaqaalle geeriyooday , kuwa isaga tagay dalka iyo kuwa wali shaqeeya, waxaaana shaqaalahaasi wali mushaaraadkooda laga bixiyaa khasnadda dowlada , waana sababta ka dambaysa mushaaraadka dowladda in la waayo sida dadka qaarkood ay rumaysanyihiin maadama aan la aqoon qofki shaqada jooga iyo kan ka tagay shaqada ee wali mushaarkiisa la bixinayo halka uu ku dhaco.

Wasiirka cayaaraha, shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo madax u ah guddi madaxwaynaha Puntland uu u xilsaaray tirakoobka shaqaalaha dowlada ayaa waxaa uu sheegay inay hadda tirakoob ka sameeyeen oo ay ku guulaysteen gobolada Bari, Gardafuu iyo Sanaag, waxaana wasiirku uu sheegay in hadda tirakoobka shaqaalaha inay ka wadaan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain