TOP NEWS :Madaxweyne Maamulka jubbaland Axmed Madoobe oo Isku day dil ka bad-baaday


Madaxweynaha Dowlada jubanland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Xalay ka badbaaday Isku day Dil oo la doonayay in lagu Qaarajiyo.

illo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Axmed Madoobe Xalay xiliga uu dilka ka badbaaday uu ka yimid Taliska Ciidamada AMISOM ay ka dagan yihiin Kismaayo gaar ahan Garoonka Diyaaradaha iyadoona la sheegay in Askariga oo  watay Qori EK-47 uu Rasaas ooda uga qaaday.

Rasaasta ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Labo kamid ah ilaalada Axmed Madoobe iyadoo Axmed Islaam aysan waxba soo gaarin.

Wararka ayaa sheegaya in Askariga Axmed Xalay dili rabay uu ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab waxaana Xusid mudan in Sanadkii hore Kismaayo lagu dilay Ciise Kabooni oo ahaa Madaxii Ciidamada Raaskambooni kaas oo uu dilay Askari ay isku hayb yihiin.

Ka dib isku daygaan lagu khaarajin rabay Axmed Madoobe waxaa si weyn lo adkeyay Amanka xarunta uu Magaalada Kismaayo ka dagan yahay ayadoo wali uu jiro shaki ah in qaar ka mid ah ilaalada Axmed Madoobe ay wali kuxiran yihiin Al-Shabaab oo ay horay uga tirsanayeen.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain