Wiil yar oo Soomaali ah oo Walaalkiis ka Weyn uu ku dilay Gobolka Minnesota




Booliiska ayaa xaqiijiyay dhimashada Suhayb Jamal Xasan oo 13 jir Soomaali ah, kaasi oo walaalkii ka waweyn si kama ah ugu dilay Axaddii la soo dhaafay Eagan oo ah magaalo yar oo ka tirsan gobolka Minnesota.
Geerida Suhayb Jamal ayaa timid kaddib markii isaga walaalkii ka weyn oo isna 15 jir ah ay Axaddii helaan bastoolad aabahood lahaa oo guriga taallay, isla markaana ay ku faraka-ciyaaareen, iyadoo kaddibna uu walaalka weyni uu xabad si kama ah xabadka uga dhuftay, sida ay xaqiijiyeen booliska magaalada mashaqadu ka dhacday.

“Qiyaas ahaan, bastooladda xabad ayaa ku taagnayd, hase ahaatee waxaa mid ka mid ah wiilasha uu u malaynayey in aysan xabadi raacsanayn,” marka loo eego hadal ay boolisku siidaayeen.

Xiliga shilku dhacayey ayaa waxaa kale oo guriga ku sugnaa gabar yar oo 11 sano jir ah, taasi oo iyaduna la dhalatay labada wiil, hase ahaatee ma jirto wax dhawaac ah ama wax-yeelo ah oo soo gaaray.

Wiilka waweyn ee walaalkii xabaddu kaga fikatay ayaa wacay booliska, isagoo u sheegay in walaalkii uu la cararay Mindi, islamarkaana u kufay, dibedeedna uu isku dhuftay. Hase ahaatee markii ay boolisku goobta soo gaareen waxaa u sheegay sida ay wax u dhaceen.

“Waxaan aaminsanahay xiligaasi in uu aad u cabsanayey, maxaa yeelay waxaa uu ogaa in aysan ahayn in uu ku ciyaaro hub, waxaana uu dareemayey in uu taasi dhib ku muddan-karo,” ayuu yiri Desiree Schroepfer, oo ah dambi baare.

Shacabkii ugu horreeyey ee guriga soo gaaray ayaa helay wiilka yar oo dhiig baxaya, isla markaana aan lahayn wax dhaqdhaqaaq ah, suuragalna ma aysan noqon in la bedbaadiyo.

Ma jirto cid loo xiray falkaan, waxaana boolisku ay sheegeen in aysan filayn waqtiyada soo socda in dad loo soo xiro.

“Inkastoo falkan uu u muuqdo mid aad u xun haddana arrintiisa, baaritaannada la xiriira iyo xaqiiqaadka aynu soo helno waxaan u gudbin doonnaa si uu eego qareenka degmada Dakota [Degmada magaalada shilku ka dhacay ka tirsan tahay],” ayaa booliisku ku yiri war uu soo saaray.

Wiilka yar ee geeriyooday ayaa fasalka siddeedaad ka dhiganayey iskuul lagu magacaabo Black Hawk oo ah dugsi dhexe oo ku yaalla magaalada Eagan ee qoyskiisu ku nool yahay.

Dalka Mareykanka sharci ahaan waa loo oogal yahay dadka dhacabka ah hubka. Hase ahaatee, waa in uu ahaadaa mid diwaangashan, islamarkaana qofka doonaya in uu yeesho uu damaanad-qaadaa in uusan waxyeelin bulshada kale.
BAARGAAL.NET - Minnesota
ISha wararka Horumarka Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain