Arday ka qalinjabiyay Jaamacadda Culuumta Caafimaadka Bosaso (Sawiro)

Waxaa Jaamacadda culuumta caafimaadka maanta ka qalin jabisay Arday, kuwaasi oo dhammeystay heerka koowaad ee waxbarashada(bachular degree) 34 arday ayey ahaayeen ardayda maanta ka qalin jabisay Jaamacadda culuumta caafimaadka ee magaalada Bosaso, waxa ayna isugu jireen gabdho iyo wiilal.

Muddo labo sano ah ayey baranayeen koorsadan ardayda ,waxa ayna ka kala yimaadeen inta badan gobolada Soomaaliya waana dufcaddii 2-aad ee ka qalin jabisa jaamacada oo baajulaar ah Guud ahaana jaamacadda waxaa ka qalin jabiyay 17 dufcadadood.

Hoolka shirarka ee Jaamcadda ayaa waxaa ka dhacday xaflad ballaaran, taasi oo ay ardayda lagu siinayay abaalmarino iyo shahaadooyin madaama ay ka qalinjabiyeen barasahada caafimaadka qeyb ka mid ah, iyadoo ay ka soo qeyb galeen xafladda ,maamulka Jaamacadda, madax ka socotay jaamacadaha magaalada Bosaso, xubno ka socday golaha wasiirada Puntland, gudoomiyaha gobolka gardafuu C/qaadir Yuusuf Iidi , waxgarad, masuliyiina mataleyey shirkadaha isgaarsiinta, nabadoono, siyaasiyiin, qurba joog, waalidiin
dhalinyaro,aqoonyahano, arday, macalimiin, dhaqaatiir iyo marti sharaf kale.Ardaydan inta ay ku guda jireen barashada koorsada kalkaalisanimada ayaa waxa ay hawlo caafimaad u fudiyeen qaar mid ah shacabka magaalada Boosaaso

  















BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain