Dawlada Puntland oo Gacanta ku Dhigtay Doonyo Kaluumaysi oo Sharci Daro ah

Dawlada Puntland oo Gacanta ku Dhigtay Doonyo Kaluumaysi oo Sharci Daro ah
Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa ka hadashay doonyo ajanabi oo si sharci darro uga kalluumaysanayay biyaha Puntland , kadib markii ay soo qabteen ciidamada badda ee Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaaraddda kalluumaysiga Yaasiin Cali Yuusuf ayaa waxaa uu sheegay isagoo wax laga waydiiyay doonyahaasi inay kasoo qabteen xeebaha ku toosan degmada Qandala ee gobolka Bari , waxaana doonyahaasi oo shan ah hadda ay yaaliin dekedda Bosaaso.

Yaasiin Cali Yuusuf ayaa waxa uu xusay iyagoo ka duulaya go' aankii madaxwaynaha ee uu ku dhawaaqay ee ahaa kalluumaysiga sharci darada waa MUSIIBO QARAN inay tani u qaadeen si looga dhabeeyo go' aankaasi madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu qaatay , waxaana uu xusay agaasimaha doonyaha la qabtay inay yihiin shan doonyood oo laga kale leeyahay sadex Yemen ah iyo Laba Iiraan ah.

Agaasimaha Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Puntland Yaasiin Cali Yuusuf ayaa saxaafada usheegay inay gacanta ku hayaan Shaqaalaha la socday Doomaha lasoo qabtay,sharcigana lasoo taagi doono.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain