Dhamaan Ilaaladii Hoteelka Centeral ee Qaraxa uu ka dhacay oo la Xiray

Dhamaan Ilaaladii Hoteelka Centeral ee Qaraxa uu ka dhacay oo la Xiray
Ciidamada Amaanka Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay xireen dhamaan shaqaalihii ka shaqeynaayay Hoteelka Centeral ee uu maanta ka dhacay Qaraxyada.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka ay Baaris ku hayaan Ilaalada Hottelka iyo Qaar kamid ah Shaqaalaha oo la Xiray.

Ilaalada iyo shaqaalaha la xiray ayaa lagu sameynayaa baaritaano la xiriira weerarka, waxaana suuragal ah, in Ciidamadu ay heleen xogo ku saabsan ilaalada Hotelka iyo ogaanshahooda weerarkaasi.

Qaraxa maanta ka dhacay Hottelka Centeral ee Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay ilaa 26 Ruux oo iskugu jira Mas'uuliyiin Dowladda ka tirsan iyo Dad Shacab ah,iyadoona ay ku dhaawacmeen Dad 50 Ruux gaaraya.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in Gaariga Qarxay lagu dhexdiyaariyay Gudaha Hottelka,iyadoona ay tahay Sababta Ilaalada Hottelka loo xiray Arrintaasi.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain