Faahfaahin: Qaraxyo is xigay oo ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdisho

Qaraxyo is xigay oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Hotel Central ee degmada Xamar weyne oo ku dhow agagaarka Taaladii xaawo Taako, iyadoo qiic iyo uuro la arkayo.

Qaraxa kadib ayaa waxaa wararku sheegayaan in ruux waxyaabaha qarxa soo xirtay uu gudaha u soo galay hotelka uu isku dhex qarxiyay Masaajid ku dhex yaalay Hotelka Central, halkaasoo ay ku tukanaayeen wasiiro, xidlhibaano iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.

Qaraxyada oo ahaa labo ayay wararku sheegayaan inay saameeyeen Hotelada Central iyo Naasahablood 2 oo ah labo hotel oo isku dhegan,

Ugu yaraan 8 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeryoodeen qaraxa, iyadoo aan wali faahfaahin laga hayn magacyadooda, hase ahaatee waxaa la xaqiijiyey in uu dadka dhaawacmay ku jiro Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli, Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar.

Waqtiga qaraxyadan lagu soo beegay ayaa aheyd xilligii Salaadii khudbada ee jimcaha. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkan ay ku qaaday hoteel ay degan yihiin Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, isla markaana wali howl galku uu ka socdo Qaraxyadan ayaa ku soo aaday, iyadoo inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada ay xiran yihiin, isla markaana magaalada ay ka socoto diyaar garow lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Jabuuti iyo madax ka socota Maamulada Soomaalida,

Hotelkan la weeraray ayaa ka mid ah hotelada muhiimka ah ee ku yaala faras magaalaha, kaasoo ay degan yihiin mas'uuliyiinta dowladda iyo dadka qurbaha ka yimid.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain