Jariiban:Nin xoole dhaqato ahaa oo tiro iyo labaatan (120) neef oo ari ah uga le’deen aqoon darro

Nin ka mid ahaa xoolo dhaqatada degmada jariiban ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka lee’day tiro iyo labaatan neef (120) ari ah , kadib markii si khaldan uu u isticmaalay dawo uu siiyay xoolaha .

Cabdi Aadan Qooryare oo ah ninka xoolaha ay la’deen ayaa waxa uu sheegay inuu ku badiyay dawada tankii loogu talagalay , waxaana uu xusay inuu isku dayay inuu riyaha nafaqeeyo xilligan oo jilaal ay ka jirto deegaanka.

Waxaa uu xusay sababta ugu wayn ee xoolaha uga dhamaadeen ay tahay aqoon dari ka haysatay dhanka dawadaasi , Cabdi Aadan Qoorey ayaa haysta sideed carruur iyo hal xaas , waxana qoyskiisa ay ku tiirsanayaaneen xoolaha ay dhaqanayeen.

Dawooyinka xoolaha lasiiyo
 iyo irbadaha lagu dhufto ayaa aad ugu badan dadka xoolo dhaqatada ee ku nool Puntland inkastoo lagu tilmaami karo dhibatada hadda ay gaysatay iyo aqoontii bulshada la rabay in arintaan kor loogu qaado oo aad u hoosaysa.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain