Madaxwayne GAAS oo shaaciyay xilliga la qabanayo shirweynaha midnimada PUNTLAND

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa daaha ka rogay goorta uu furmi doono shirka lagu heshiisiinaayo dhamaan Beelaha kasoo jeeda Puntland kaasi oo loogu magac daray "Shirka Midnimada Puntland".asagoo sheegay in bisha soo socota ee March inay qaban doonaan shirwaynahaas looga hadlaayo Midnimadda Puntland.

Shirkaasi oo qaban qaabadiisu socoto ayaa lagu wadaa inay kasoo qayb galaan dhinacyadda Puntland ee 1998-dii aasasay Puntland, waxana lagu wadaa in looga wada hadlo arrimo badan oo salka ku hayo xaalada Puntland iyo sidii isku tashi loo samayn lahaa.

in inta uu socdo shirka ay ka hadli doonaan dhulal badan oo gacanta Maamulka ka maqan sida Gobolka Sool iyo Cayn, waxaana la rajeynayaa in shirka dhacaya March 2015 ee midnimada Puntland looga hadlo sida lagu soo ceshan lahaa.

Inkastoo deegaanada maamulka Puntland ay yahiin kuwo xasiloon ayaa hadana waxaa jira Beelo ka cabanaaya cadaaladaro iyo hagardaamo siyaasadeed iyo waxqabadkii Dalka oo aan loo sinnayn.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain