Markabkii Hubka siday ee Ku Xiranaa Dekedda Berbera oo lasii daayay

Somaliland ayaa sii daysay Maanta oo Talaado ah Markab hub siday oo waayadanba ku sugnaa dekedda Berbera, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Sii daynta markabkan Hubka saaran, ayaa ka dambaysay markii xukuumadda Sudan ay sheegatay inay leedahay Hubka, iyadoo codsatay in loo sii daayo.

Wasiirka arrimaha debedda oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir uu qoraal u soo diray Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo isaga oo ku caddeeyey lahaanshaha hubkaas.

Hubkan ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta Somaliland waxaa loo waday Carwo hubka ah oo ka dhacaysa dalka Imaaraadka Carabta taas oo la filayo inay qabsoonto daba-yaaqada bishan.

Maxkamad ku taalla magaalada Berbera ayaa shalay la soo taagay kabtanka markabka iyada oo maxkamaddu ku ridday xukuno ganaax ah hase
ahaatee Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay ka cafiyeen ganaaxaas.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain