Qaadkii ka imaan jiray Kenya oo laga joojiyay Puntland

Maalmaha soo socda ma jiri doono wax jaad ah ama qaad ah oo ka iman doono dalka Kenya,kaaso maalin walba la keeni jiray deegaannada Puntland,

Waxaa jirta qayaas sheegaysa ilaa $300,000 oo dollar in maalin walba ay ka aadi jirtay Puntland,dalka Kenya maaddama dhowr diyaaradood oo qaad ah ay subax walba ka soo dagi jireen garoomada diyaaradaha Puntland.

Ganacsatada qaadka ayaa hadda go'aan ku gaaray in la hakiyo qaadkii ka iman jiray Kenya,iyagoo dhowr arrimood u sababeeyay.

Waxayna ku sheegeen Sababta kaliftay inay hakiyaan qaadka maalmaha soo socda inay tahay,hoosu dhac dhaqaale oo ku yimid ganacsatadii qaadka la soo dagi jirtay,canshuurta dowladda Puntland ay ka qaadaysay oo siyaaday,diyaaradaha keeni jiray oo lacag badan hadda lugu kireeyo,arrimahas oo dhan ayaa is biirsaday,taas waxaa dheer qaad an wanagsaneyn in beeraha Kenya laga keeno.

Joojinta qaadka ka soo go'a beeraha Kenya ma aha in la waayi doono dhamaan qaadka balse wuxuu fursad siin doonaa maalmaha soo socda qaadka ka yimada dhanka Itoobiya oo aan suuq badan ku lahayn Puntland.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain