Posts

Shacabka Puntland oo looga digay Dollar been abuur ah

Wasiirka Wasaarada ganacsiga dowlada Puntland Maxamuud Soocade oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in ay jirto lacago Been abuur ah oo u eg nooca doolarka ah taas oo ay dowladu wax ka ogaatay.

Waxa uu Soo cade sheegay in lacagaha ay arkeen ay u egyihiin lacagaha Doolarka siiba kuwa 100ka doolar ah.

Waxa uu wasiirku intaas ku daray in lacagtaasi ay u arkaan in lagu damacsanyahay in lagu khalkhal geliyo amaanka gobolka, dhaqaalaha iyo weliba degenaanshaha, isagoo ugu baaqay shacabka in ay ka digtoonaadaan.

Wasiirka waxa kale oo uu sheegay in dowlada arintan ku wado baaritaan balaaran loogana baahan yahay shacabka inay kala shaqeeyaan iyagoo sidoo kale ka feejignaanaya,

Wasiirka ayaa waxaa uu sharraxay qaabka lacagtan lagu garan karo.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain