Sheekada Maanta : Adaaba Qosli Doona

Sheekada Maanta Waxaan Ku soo qaadanaynaa sheeko ka dhacday dalka Maraykanka oo yaab iyo qosol badan xanbaarsan ,waxbadana laga faa'iidaysan karo sida qofku inuu lugihiisa ku doonto wax dhibaato u gaysan kara naftiisa  , taas oo ah nooc kamid ah doqonimada , bal sheekada nala akhriso

Takhaatiir ka tirsan qaybta la dagaalanka sunta ee Cisbitaalka Arizona oo ku yaalla dalka Maraykanka ayaa qaabilay Nin ay Abeeso ka qaniintay carrabka oo ugu yimi in ay daweeyaan.

In abeeso ay ruux qaniintaa waa arrin caadi ah oo in badan aynu sheeko ku maqalnay, ama shaahid qaarkeen u soo ahaayeen, marar badan ayay takhaatiirtani la kulmeen xaalado tan la mid ah oo loo keenay dad xayawaanno kala duwani qaniineen, laakiin arrinta markan cusub ee takhaatiirta cisbitaalka Arizona ay fahmi waayeen waxa ay ahayd, sida ay ku dhacday in abeesadani ay ninkan carrabkiisa ku gaarto oo ay kadibna qaniinto. Si ay arrintaas wax uga ogaadaan ayey waraysteen dhibbanihii oo cisbitaalkooda dhex jiifa.

Jawaabta uu ninkan dhaawaca ahaa siiyey takhaatiirta iyo dadkii kale ee ku xeernaa ayaa noqotay mid qosol iyo maadays galisay ruux kasta oo su’aashaas is weydiinayey iyo intii maqashayba

Ninkan abeesadu qaniintay ayaa siduu sheegay inuu abeesada dhulka ka qaatay  isaga oo doonaya in uu dhunkado, laakiin ay fahmi weyday oo ay cadow u fahamtay isla markiibana carrabkiisa ay ka aargoosatay.

Intaa lagagama harin ee takhaatiirtii iyo dadkii kale ee qisadan la socday ayaa waxay bukaankan si aad ah uga codsadeen bal in uu uga waramo sababta uu u xiisaynayey dhunkashada abeesada,
Ninkii ayaa wuxuu ugu jawaabay inuu aad uga helay Midabbada iyo xararka quruxda badan ee abeesadan lahayd , sidaa awgeed uu  isku dayay in auu dhunkado abalse ay qaniintay !!!!

BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain