Amiirka Alshabaab oo isku day dil ka badbaaday

Amiirka Alshabaab oo isku day dil ka badbaaday
Amiirka ugu sareeya kooxda Alshabaab Axmed Diiriye, oo Alshabaab looga dhex yaqaan (Abuu Cubeyda) ayaa lagu soo waramayaa, inuu ka badbaaday isku day dil.

Shirqoolkan fashilmay, ayaa waxaa fulin rabay wiill uu adeer u yahay amiirka, balse katirsan garabyada ka gadoodsan amiirka.

Sarkaal magaciisa ku sheegay Anas Abuu Asma, kana tirsan kooxda Alshabaab, ayaa bartiisa Twitterka, kusoo qoray qoraal uu ku leeyahay.

Geerida Godane waa mid na saameysay, waxa uu ku baxay gacanta reer galbeedka, balse waxaa ii muuqata in Axmed Diiriye uu sababsan doono gacanta kooxda Alshabaab”.

Geerida waa xaq, Axmed Diiriye waxa uu dhamaysan doonaa noloshiisa inta uu alle u qadaray, Noloshiisa waxa ay kurbo ku haysaa saraakiil farabadan oo caqabad ku ah jihaadka, waana aragnaa in qorsheynta dilkiisa uu gaaray heer caruurtiisa loo adeegsado” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
BAARGAAL.NET
ISha waraka horumarka calbari 
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain