Boqor Burhaan Boqor Muuse oo lagu soo dhaweeyay Minnesota (SAWIRO)

BOQOR BURHAAN Boqor Muuse oo lagu soo dhaweeyay Minnesota (SAWIRRO)
Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ay kasoo qaybgaleen dadweyne tiro badan oo Soomaali iyo maraykan ah kana mid aha bulshada qaybaheeda kala duwan sida odayaasha dhaqanka siyaasiyiin , waxgarad , cuqaal ,haween iyo dhalinyaro, iyo dad kor u dhaafaya 1,500 qof ayaa ka dhacday xarunta shirarka ee Minneapolis Convention Center.

Xafladan oo laga jeediyay khudbado ka hadlaya dhaqanka, nabadda, suugaanta, siyaasadda, doorka hoggaamiyaasha dhaqanka kaga aaddan xaaladda maanta ay Soomaaliya ku jirto ayaa waxaa hadalka Furay guddoomiyaha guddiga soo dhaweynta boqor Burhaan, mudane  Cali Ciise Ganey oo sheegay in Bulsha waynta gobolka Minnesota caan ku noqotay soo dhaweenta martida horayna u soo dhaweeyeen siyaasiyiin kala duwan maanta ay soo dhawaynaayaan Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Waxaa kaloo lagu soo bandhigay xafladda soo dhaweynta ah taariikhdii ay soo billaabatay boqortooyada, marxaladahii kala duwanaa ay soo martay siiba xiligii gumaystahu wadanka yimid, sida la isaga dhaxlay; waxaana soo diyaariyay Cismaan C/xaliim Cismaan oo xafladda uga yimid magaalda Mankato ee gobolka Minnesota.

Boqor Burhaan oo gabagabadii munaasabadda ka hadlay ayaa u mahad-celiyay intii soo qabanqaabisay xafladda; waxuuna sheegay in markii la dooray uu xil iska saaray inuu mas’uuliyadda la saaray kasoo baxo. Wuxuuna xusay inuu socdaallo ku tagay magaalooyin badan oo dalka gudihiisa ah; isla markaan uu ogaady waxa ka jira.

Sidoo kale, boqor Burhaan wuxuu tacsi u diray dhammaan dadkii lagu dilay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Hotel Maka Al mukarama; wuxuuna xusay safiir Bari-bari. Isagoo intii uu dhaawaca kasoo gaarayna Alle uga baryay caafimaad deg-deg ah.

Boqorku intuu gobolka Minnesota joogay wuxuu booqday xarunta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee ku taalla Minneapolis; taasoo uu ku farxay khudbadiisana kusoo qaatay isagoo u mahadceliyey aasaasahii matxafkaas Cismaan Cali Gurey.

Ugu dambeyn, munaasanadii xalay waxaa lagu soo bandhigay suugaan u badan gabayo iyo baraanbur; waxaana ka mid ahaa abwaannadii suugaanta soo bandhigay; Cismaan Ducaale, Xaawo Ayeeyo oo xalay boqorku siiyay magaca Xaawo Soomaali iyo Abwaan C/qadir Maxamud Cismaan Mataan.



 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain