Cashuuraadka Gobolka Gardafuu oo Dawlada Puntland Ogolaatay in qayb Kamid ah Dib loogu horumariyo Gobolka

Cashuuraadka Gobolka Gardafuu oo Dawlada Puntland Ogolaatay in qayb Kamid ah Dib loogu horumariyo Gobolka
kadib wada hadal dheer oo dhex maray waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka iyo Masuuliyiinta Dawlada Puntland oo looga wada hadlay baahiyaha gobolka Cusub ee Gardafuu  dhinacyada adeegyada Bulshada iyo Kaabayaasha dhaqaalaha ayaa waxa uu madaxwaynaha Dawlada  Puntland Prof. C/wali Maxamed Cali Gaas ogolaaday in qayb kamid ah Dakhliga Cashuuraha Gobolka , Gobolka Dib loogu celiyo oo lagu Horumariyo Adeegyada Asaasiga Ah ee bulshada Deegaanadaasi U baahanyihiin sida waxbarashada ,Caafimaadka iwm .

Madaxwaynaha ayaa wada hadal iyo dood dheer oo dhuexmartay asasga iyo Masuuliyiinta Gobolka oo dhinac ah iyo Guurtida Deegaanka oo dhinac ah ogolaaday in 50% Dakhliga Cashuuraadka Gobolka Lagu wareejiyo Masuuliyiinta Gobolka oo dhinacood dood iyo isjiid jiid kadib ku heshiiyay in Degmooyinka lagu wareejiyo 35% halka maamulka gobolka loo ogalaaday inuu maamulo 15%.

Maamulka Gobolka Ayaa dhiniciisa ballan qaaday in 15%-ka lagu Wareejiyay inuu  dib ugu soo celin Doono Degmooyinka oo barnaamijyo waxqabad ah ka fulin doono degmooyinkaasi.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
email:Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain