Posts

Daawo Sawirada Nin u dhashay dalka Yamen oo gacanta lagu dhigay xilli uu Watay shan boqol oo kun oo Dollar

Ruuxaani oo lagu magacaabo Cabdulkarim Al-tareb una dhashay dalka Yemen, ayaa waxaa lagu qabtay garoonka JFK ee magaalada New York xili uu watay Hanti lacageed.

Wakaaladuha wararka waxa ay sheegen in Cabdulkarim Al-tareb uu watay lacag dhan 5 boqol oo kun oo doolar, taasi oo uu ku qarshay Bacaha ay ku jiraan alaab iyo kabo uu watay, Sida uu sheegay wargeyska The telegraph.

Sidoo kale, Ninkan ayaa lacagta intaas dhan ku dhex qariyey boorsadiisi dharka. Waaxda kastamka ee garoonka ayaa ninka qabtay kadibna booliska ugudbiyey.

Ninkan ayaa markii la weydiiyey sheegay inuu ka dhashay qooys balaaran walaalo badana leeyahay sidaas darteedna ay lacagtan isugu jirto wax isagu leeyahay iyo qeyb reerkoodu leeyahay,wuxuuna intaas ku daray inuu rabay inuu guri kasoo dhisto dalka Yemen.

Booliska ayaa baaritaan kadib meesha ka saaray in lacagtan ay tahay mid loo waday kooxaha Mareykanku ku sheego argagixisada.

Ninkan ayaa la sheegay in lagu maxkamadeen doono qarsoodi ku dhoofinta lacag kaash ah oo badan.

Hoos ka daawo sawiradii laga qaaday boorsadii lacagta laga dhex helay.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain