Daawo Sawirada Ninka 2-aad Ee Aduunka Ugu Dheer oo Hargeysa Ku Guursaday Iyo MalXiiska oo Noqday Ninka Ugu Gaban Gobolada waqooyi

Daawo Sawirada Ninka 2-aad Ee Aduunka Ugu Dheer oo Hargeysa Ku Guursaday Iyo MalXiiska oo Noqday Ninka Ugu Gaban Gobolada waqooyi
Inta badan dadyowga ku nool Magaalada Hargeysa ayaa aad u hadal haya guurka ninka labaad ee adduunka ugu dheer oo lagu magacaabo Xuseen maxamed Axmed (Xuseen bisad ) oo Magaalada Hargeysa ku guursaday Haweeney Kun jeer ka gaaban.

Meherka Xuseen Maxamed Axmed (Xuseen bisad) oo kaalinta labaad ka galay Dhirirka Dunida ayaa waxaa Malxiis ka ahaa Meherkiisa Shuceyb oo ah ninka ugu gaaban guud ahaan Deegaanada gobolada waqooyi maamulka la magac baxay somaliland saxiibna la ah Xuseen bisad , marwada u dhaxday ama uu mehersaday Xuseen bisad ayaa lagu magaacabaa Yaasmiin xasan muxumed.

Hoteelka uu ka dhacaayay Meherka ninka Soomaaliga ah ee dhirirka badan ayaa waxaa ka qeybgalay Boqolaal ruux oo u badnaa dad aan lagu casuumin Munaasabada Meherka kuwaasi oo buuq ka dhaliyay Goobta kaliya si ay u arkaan Muuqaalka Xuseen Maxamed Axmed (Xuseen bisad) oo ah ninka labaad ee dunida ugu dheer,

Shuceyb oo ah ninka ugu gaaban guud ahaan gobolada waqooyi ee Maamulka Somaliland iyo Marwada oo iyana aad uga gaaban Ruuxa arooska ah.

Mareegaha ay ku kulmaan bulshadu sida facebook , twitter ayaa si weyn bulshadu uga hadal heysaa meherkan xuseen bisad iyo marwadiisa iyadoo dhambaallo hambalyooyin ah ay u direen qoyskaas cusub.

Hoos ka daawo sawirada Arooska 


SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain