Dad lagu xirey Muqdisho iyagoo doolar madoow dhaqaya


iyada oo horey loogu maaro la’aa lacagta shilin Soomaaliga ah ee been abuurka ahayd ee lasoo daabacan jirey ayaa waxaa haatan dalka ka dilaacay kooxo maafiyo ah oo lacagta doolarka madoow ee been abuurka ah farsamaynaya, kadibna suuqa galinaya oo dadka ku qaldaya.

Magaalada Xamar ciidamada amniga waxa ay xireen nin horey u ahaan jirey jillaa oo lagu magacaabo Doolli iyo dad isaga la shaqaynayay, kuwaasi oo sida la sheegey lagu qabtay doolar madoow oo ay dhaqayeen.

Maadaamaa hadda shilin Soomaaligii uu intiisa badan meesha ka baxay, doolarkana uu yahay kan ugu badan ee dalka laga isticmaalo, ayaa waxaa soo kordhey dadka soo samaysta lacagta doolarka ee been abuurka ah, taasi oo hadda shirkadaha ganacsiga ay walwal weyn ka muujinayaan.

Bangiyada dalka iyo xawaaladaha iyo waliba meelaha lacagaha lagu sarifo ayaa waxaa la keeney makiinadaha kala hubiya doolarka been abuurka ah iyo kan saxda ah kadib markii ganacsatada lagu qalday doolar badan oo been abuur ah.

Samaysashada doolarka madoow waa fal dambiyeed xagga dhaqaalaha ah oo qofka uu ku muteysan karo ciqaab adag oo xabsi iyo ganaaxba ah, waxayse noqoneysaa markii koowaad oo dowladda talaabo u qaado dhanka dadka falalkani ku kaca.

BAARGAAl.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain