Deg-Deg: Alshabaab oo weerartay Kolonyo uu la socday gudoomiyaha Mandheera

Wararka ka imaanaya degaanka Mandera ayaa sheegaya in kolonyo baabuur ah oo uu la socday guddoomiyaha Mandhera, Cali Roba, la weeraray.

Wararka aaan heleyno ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay meel u dhaw degmada Carabiya.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa xaqiijiyay inay iyaga ka dambeeyeen weerarka, waxaa uu intaas ku daray afhayeenka in ay ku dileen afar askari weerarkaasi.

Gudoomiye Cali Roba ayaa ka badbaaday weerarka, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowlada Kenya.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain