Gudoomiyaha Degmada Bareeda oo si wayn loogu soo dhaweeyay Degmada Baargaal ( Sawiro)

Gudoomiyaha Degmada Bareeda oo si wayn loogu soo dhaweeyay Degmada Baargaal ( Sawiro)

waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Bareeda Mudane Siciid Yuusuf Diiriye Kadib Markii uu casumaad rasmi ah ka helay Maamulka iyo Gudoomiyaha Degmada Baargaal.

Gudoomiayaha Degmada Bareeda  iyo Wafdigiisa oo soo gaaray magaalada Baargaal maalin ka hor ayaa waxaa halkaasi siweyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta ugu saraysa Maamulka Degmada Baargaal oo uu Hormuud u yahay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Abuukar Axmed Yuusuf , masuuliyiinta Gobolka Gardafuu ,Odoyaasha Dhaqanka, waxgaradka, ururada bulshada iyo masuuliyiin kale oo uga hortagay Gudoomiyaha meel ka baxsan magaalada.

Gudoomiya ayaa lagu sharfay Casumaad Qado sharaf ah oo uu gogol dhigay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane abuukar axmed yuuusf uuna kasoo qayb galay gudoomiyaha gobolka gardafuu , Mudane C/qaadir yuusuf maxamed iidi , xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Baargaal iyo marti sharaf kale oo lagu casumay Munaasabada

Masuuliyiinta Labada Degmo ayaa shirar ay si wada jir ah u qaateen waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen

1. Sidii loo dar-dar galin lahaa howlaha mataanaynta labada Magaalo ee Baargaal iyo Bareeda
2. sidii iskaashi looga sameeyn lahaa Dhinacyada Maamulka iyo wax wada qabsiga iyo sidii laysu Dhaafsan lahaa khibradaha iyo waayo aragnimada ku saabsan Horumarinta Adeegyada Bulshada ee Labada Degmo.

ugu danbayntii Gudoomiyaha Degmada Bareeda ayaa aad iyo aad ugu Mahadceliyay Maamulka iyo Masuuliyiinti Degmada Baargaal casumaada iyo Soo dhawaynta Sharafta leh ay u sameeyeen asagoo ballan qaaday inuu maamulkiisu xooga saari dooni Sidii looga mira dhalin lahaa iskaashi buuxa oo dhexma labada degmo iyo dhamaan Degmooyinka Gobolka Gardafuu 

DAAWO SAWIRADA 

















SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI 
EMAIL:BAARGAAL@GMAIL.COM
Developed by Jago Desain