Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo berri ku wajahan magaalada Kismaayo

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa sida uu qorshaha yahay in berri oo Talaada ah uu safar ku tago magalada Kismaayo ee xarunta dowladda Jubbaland.
Kismaayo waxaa hadda ka socoto qaban qaabda iyo diyaarinta xafladda soo dhaweynta loo sameynayo madaxweynaha dowaladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Gaas waxaa wafdigiisa ku wehlin doono xubno wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda Puntland, waxuuna casuumaad rasmiya ka helay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Seddex maalin ayaa la qorshaynayaa inay qaadato booqashada uu ku joogi doonaa Kismaayo Madaxweyne Gaas

Madaxwayne Gaas mudada uu joogo Kismaayo waxaa ay kulamo wada qaadan doonaan madaxda ugu sareyso dowladda Jubbaland sida madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo salaadiinta gobollada Jubboyinka

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain