Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la kulmay Madaxweynaha Masar (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Sharm El Sheikh kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi.

Kulankaasi, ayaa ugu horeyntii waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu Madaxweye Al-Sisi iyo shacabka Masar ugu hambalyeeyay qabsoomidda shirka caalamiga ah ee maalgashiga iyo dhaqaalaha Masar oo maanta lagu soo gabagabeynayo magaalada Sharm El Sheikh.

Labada hoggaamiye, ayaa kulankooda diiradda ku saarey iskaashiga labada dal, kal xog qaadasho arrimaha Soomaaliya iyo dunida Islaamka iyo qodobo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa kulankaasi ka sheegay horumarka dhanka siyaasadda iyo nabadgelyada ee ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso, isagoo dhanka kalena ka dalbadey Masar inay kaalin ka qaadato sidii caalamka iyo dunida Carabta ay iskaashi buuxa ula sameyn lahaayeen Soomaaliya.

‘’Soomaaliya waa dal kheyraad kala duwan uu Ilaahay ku maneystey. Colaaddii muddada dheer socotey kadib, hadda waxaan diyaar u nahay inaan caalamka intiisa kale wax la qeysano. Marka waa in dunida Carabta iyo caalamka intiisa kale ay ogaadaan in Soomaaliya aaney khatar ku ahayn nabadgelyada caalamka, isla markaana ay dunida inteeda kale wax la qabsan karto maadaama aanu kheyraad badan leenahay. Walaalaheena Masar waxan ka codsanayaa inay suuqyadooda inoo furaan si aan badeecadeheena ugu iibino." Ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, ayaa dhankiisa sheegay in waajib uu ka saaran yahay inuu Soomaaliya ka taageero dhinaca nabadgelyada iyo mashaariicda horumarka.

Labada madaxweyne, ayaa kulankaasi ka sheegay inay diyaar yihiin xubnaha guddi iskaashi oo ay yeelanayaan Soomaaliya iyo Masar oo horey loogu heshiiyey. Guddigaasi ayaa la filayaa in shirka Jaamacadda Carabta ee ka dhici doona Qaahira ay ku kulmi doonaan, si ay u bilaabaan fulinta heshiisyada iskaashiga dhaqaalaha, nabadgelyada , dhaqanka iyo arrimaha bulshada ee hore labada madaxweyne u gaareen.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa kulankaasi u la yeeshay dhiggiisa dalka Masar, waxaa ku wehliyey Wasiirrada Isgaarsiinta, Guuleed Xuseen Qaasim, Batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali, la taliyaha madaxweynaha Daahir Maxamuud Geelle iyo mas’uuliyiin kale.



BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain