Mashruuca dayactirka Waddada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo oo la daahfuray

Maanta oo arbaca waxaa si rasmi ah loo furey mashruuc ballaran oo lagu dayactiraayo waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalacyo.

Mashruucan oo ay maalgelineyso Midowga Yurub ayaa loogu magacdarey “Mashruuca dayactirka waddada isku xirta garowe- gaalkacyo".


Furitaankii mashruuca waddada lagu dayactiraayo waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Puntland, Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, Safiirka dalka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Andreas pesche.

Midowga Yurub ayaa mashruucan ugu deeqay lacag gaareysa €17.5 oo lacagta Euro ah, sidoo kale dalka Jarmalka ayaa si gooni ah u bixiyey €3 milyan oo Euro, waxaana uu qayb ka yahay barnaamijka Hindisaha cusub ee loo yaqaan New Deal.

Mashruuca waa mid muhim ah, ma ahan mid mandaqad gaar ah ku jeeda inkasta oo uu u dhexeeyo Garoowe iyo Gaalkacyo, waa halbowlaha isku xirka dhaqaalaha. ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo ka hadley madashii daahfurka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Jarmalka ee dalka Kenya isla markaana masuul uga ah dalka Jarmalka arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegey in Mashruucan uu yahay mid muhim u ah nolosha gaar ahaan dhoofinta xoolaha ka dhoogfa Bosaso iyo Berbera oo soo mara waddaas.

Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo madasha ka hadley ayaa yiri: “Jarmalka waxey leedahay taariikh dheer oo taagan dhinaca iskaashiga iyo hawlgelinta ee Somaliya.
Heshiiska Cusub waxuu furay marxalad cusub oo iskaashi iyo hawlgalayaasha oo udhexeeya Soomaaliya iyo Bulshada caalamka. Waxa uu diirada saarayaa taageerada nabada iyo dhismaha qaranka.

Waddada dheer ee isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo gaareysa fogaan dhan 245Km, waxaa waddada la dhisey sanadihii 70aad-kii waxaana ku deeqay Dalka Shiinaha ayadoo Burbur xoog leh  uu soo gaaray waddada soo  wixii ka danbeeyey dagaaladii sokeeye ee dalka kadhacay 



BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email:baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain