Puntland oo dhismaha deegaanadeeda kala kaashaneysa shirkado iyo ganacsato Jabuutiyaan ah

Dawlada Puntland ayaa sheegtay in dib u dhiska iyo horumarinta deeganada Maamulkaasi ay kala kaashanayaan ganacsato iyo shirkado dalka Jabuuti lagala leeyahay.

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, xilli uu Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Garoowe ee xarunta puntland.

Wuxuu sheegay in shirkado dalka Jabuuti laga leeyahay dhawaan ay imaan doonaan deeganada Maamulka Puntland, si halkaasi ay uga sameeyaan arimo ganacsi.

Shirkado kale oo dalka China laga leeyahay ayuu sheegay in qorshaha ay ku jiraan inay yimaadaan deeganada Maamulka Puntland, si ay maalgashi iyo ganacsi ugu sameeyaan.

Guddoomiyaha Baarlamaank Puntland ayaa maalmahan ku maqnaa dalka Jabuuti, isaga oo shalay Garoowe ku noqday.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain