Real Madrid oo si dirqiya ugu soo baxday wareega 8- aad ee Champions League + Sawiro

Real Madrid oo si qaatiya ugu soo baxdayywareega 8- aad ee Champions League +Sawiro
CIYAARAHA (BAARGAAL.NET) wxaa xalay dhacay 2 kulan oo ka tirsan wareega 2 ee Lugta 16 ka Champions league 2014-2015 ayaa la ciyaaray waxaana kulamadasi ay u dhaxeeyeen Kooxaha Real Madrid vs Schalke04 oo kulmayay iyo FC Porto iyo Basel.

Ciyaarta xiisah badan e ela sugayay waxa ay u dhaxeysay Kooxda difaacaneysa Champions league e Real Madrid iyo Kooxda Schalke04 waxaana kulankaasi oo ahaa mid adag ayaa ku soo idlaaday 3-4 looga badiyay Real Madrid hase ahaatee ku soo baxday isku darka goolasha labada kulan oo marka la isku celceliyo noqonaya Real Madrid inay kus oo gudubto 5 vs 4 Gool Maadama lugtii horeee ka dhacday Garoonka Schalke04 ay kus oo badisay 0-2

Goolka waxaa ku Hormaray Schalke04 daqiiqadii 20 hase ahaatee wax yar dabadeed waxaa Goolkaasi ka jawaabay Ciyaartaana ka dhigay barbardhac Xidiga Real Madrid Ronaldo Daqiiqadii 25aad

weerar iy weerar calis ka dib labada koox waxa ay heleen goolal ay qalinka ugu duugeen Klaas Huntlaar iyo Ronaldo Daqiiqadihii 41 iyo 45 hase ahaatee Hoogaanka Goolka 3 waxaa ku hormaray Real Madrid daqiiqadii 63 waxaana goolkaasi u dhaliyay Weeraryahankooda Reer Franca Banzema.

Schalke04 kuma niyad jabin goolka lagu hogaamiyay waxaana 2 gool oo midi ahaa kan guusha u kala dhaliyay Daqiiqadihii 57 iyo 84 Leroy Sane iyo Klaas Huntlaar oo isagu labo Gool ku yeeshay 4ta gool ee Schalke04 ay markaasi ku badiyeen walow ay hareen sidaasina ay real madriid si diri iyo qaati ah ugu soo baxeen wareega denbe

Kulankii kale Fc Porto ayaa 4-0 ku malaastay Kooxda Basel ee ka dhisan swiserland Waxaana kulankaan ay Kooxda Fc Porto ka yaabsatay Kooxda Basel iyadoo goolasha darsinka ah ee ay ku badiyeen ay u kala dhaliyeen Ciyaartoyda kala ah Brahimi Daqiiqadii 14,Hector Herere daqiiqadii 47,Casamiro Daqiiqadii 56 Vincent Daqiiqadii 76 Waxaana dhamaadkii Ciyaarta calaamada cas ka qaatay Basel Walter Samuel.





BAARGAAl.NET
ISha waraka horumarka Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain