Shirkada Microsoft Nokia oo soo saartay Lumia 430 oo ah taleefan raqiis ah tayo ahaana fiican

Shirkada Microsoft horayna u ahayd Nokia oo horay u balan qaaday in ay keeni doonto Smart phone raqiis ah tayo ahaana fiican, waxayna shirkada Microsoft tartan xoogan kula jirtaa Shirkada Samsung oo looga bartay talefano Smart phone qiime jaban leh aadna looga isticmaalo wadamada soo koraya.

Microsoft ayaa bisha March 2015 waxay shaaca ka qaaday model cusub oo lagu magacaabo Lumia 430 Dual Sim, waa teleefan labo kaare ah kuna shaqaynaya 2G/GSM iyo waliba 3G network. Waxa uu leeyahay shaanshad 4 inch ah nooceeduna yahay IPS LCD capacitive touchscreen, 16M colors.

Sidoo kale telefankan waxa uu leeyahay memory 8 GB ah iyo RAM 1 GB, waxaana gali kara kaar MicroSD ah oo gaaraya ilaa 128 GB.

Lumia 430 Dual Sim waxa uu leeyahay Kamera gadaale oo 2 Mega-pixel ah iyo Kamera hore oo VGA ah. Batariga ku xiran waa Li-Ion 1500 mAh battery.

Taleefankaan Lumia 430 Dual Sim ayaa la filayaa in uu dhawaan soo gaaro suuqyaada caalamka waxaana lagu qiyaasayaa in qiimahiisu u dhaxayn doono 70 ilaa 80 Dollar.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain