Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka caafimaadka Puntland oo caawa soo gaaray degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka caafimaadka Puntland oo caawa soo gaaray degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu
Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu waxaa Caawa soo gaaray wafdi balaaran oo uu horkacayo wasiirka Wasaarada caafimaadka Dawlada Puntland  Dr. Axmed Saadiq Maxamed axmed Shirwac ( Dr. Saadiq eenow) .


Wafdiga wasiirka Caafimaadka Puntland uu hogaaminaayay ayaa waxaa qayb ka Ah madaxda Mashruuca TB-da Puntland iyo khuburo ka socota Hay'ada Caafimaadka Aduunka ee WHO 

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Baargaal oo uu horkacayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed yuusuf ayadoo looga hortagay wafdiga wasiirka magaalada Baargaal Banaankeeda.


Soo dhaweynta kaddib, ayaa waxaa wafdiga wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Saadiq eenow loo soo galbiyay magaalada ayagoo Ka casheeyay Hotel Maka , intaasi kadibna waxaa loo gudbiyay Hotel salaama oo Wafdiga loo Diyaariyay inay Degaan.

wafdiga wasiirka Caafimaadka ayaa qorshaynaaya inay kormeeraan  goobaha caafimaadka ee ka shaqeeya Degmada Baargaal , ayagoo xariga ka jari doona Cusbitaalka TB- ee Degmada  Baargaal.

Dr. Saadiq eenow ayaa noqonaya Wasiirkii Caafimaad ee Ugu horeeyay ee soo gaara Degmada Baargaal , tan iyo markii la aasaasay Dawlad Goboleedka Puntland.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Email:Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain