Xisaabiyaha cusub ee Gobolka Gardafuu oo xilka la wareegay

Xisaabiyaha cusub ee Gobolka Gardafuu oo xilka la wareegay
Warar soo gaaaray xafiiska shabakada Baargaal.net ayaa Sheegaya in maanta xaflad aad loo soo agaasimay ay ka dhacdey magaalada Caluula ee xarunta gobolka Gardafuu.

Xafladan ayaa aheyd xaflad xil wareejin ah oo ay ku kala wareegayaan xilalka xisaabiyihii Hore ee gobolka gardafuu mudane Xassan Cabdi iyo xisaabiyaha cusub mudane Maxamed Axmed Jeeg.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano katirsan golaha Deegaanka Degmada Caluula, Maamulka Gobolka Gardafuu ,Mas'uuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda puntland iyo waliba Waxgaradka Degmada Caluula.

Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa wadda qorshayaal ay ku dardar galinayso kuna kobcinayso dhaqaalaha uga soo xarooda Gobolka Gardafuu tan iyo markii ay ka hawl bilowday gobolka dabayaaqadii sandkii Hore.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain