Daacish oo ka dilaacday Yemen

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq ayaa shaacisey in si rasmi ah ay u saldhigteen dalka Yemen ee ay dagaalada ka jiraan.

Muuqaal ay soo saartay kooxda ayay ku sheegtey in ay leyn doonaan jabhadda Xuutiyiinta ee dalkaa qabsaday intiisa badan ee shiicada ah.

Muuqaalka ayaa waxaa laga arki karaa askar xiran dareeska ciidamada, madaxana u duubanyahay oo ku gaardinaya dhul saxaro ah, waxaana loogu magacdaray askarta khilaafada islaamka.

Horay kooxo sheeganaya Daacish ayaa weeraro ku diley dagaalyahano ka tirsan Xuutiyiinta.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain