Dawlada Fedraalka iyo Puntland oo ku kala kacay shirkii Garoowe

Waxaa lagu kala kacay shirkii Dowladda Federaalka iyo Puntland uga socdey magaalada Garoowe.
Ergooyinka labada dhinac ayaa isaga baxay hoolka uu ka socdey shirku kaddib markii ay isku mari waayeen hal qodob.Qodobka muranka dhaliyey ayaa ah mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aaddan maamulka loo sameynayo gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Ergada Puntland ayaa dalbadey in ka hor intaan loo gudbin ajendeyaasha kale ee shirka ay khasab tahay in Dowladda Federaalku caddeyso mowqifka ay maamulkaas ka taagan tahay.

Dhank kale, ergada Dowladda Federaalka ayaa ku adkeystey in qodobkaas ka doodistiisa laga gudbo dibna loo dhigo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey dowladda Puntland iyo isimada qabaa'ilka deegaanadaas ugu ballan qaaday in maamulkaas uusan saameyn
doonin.

Xasan Sheekh waxa uu Puntland ku qanciyey in maamulku yahay gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, balse Puntland ayaa dooneyso in hadalkaas lagu qoro warqad oo la saxiixo

Xubnaha kala metelaya Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa dib wadatashi ugula laabtey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne
Cabdiweli Cali Gaas.

Lama oga halka uu ka dambeyn doono khilaafkan cusub ee soo kala dhex galay Puntland iyo Dowladda Federaalka.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain