Dhagayso Waraysi Qoraa Maxamed Shiikh xasan oo ka Hadlay Bandhig Buugeed ay qabanayso SCANSOM Publishers oo Puntland ka Bilaabanaya

Dhagayso Waraysi Qoraa Maxamed Shiikh xasan oo ka Hadlay Bandhig Buugeed ay qabanayso SCANSOM Publishers oo Puntland ka Bilaabanaya
Waxaa lagu wadaa in Todobaadadan soo socda magaalada garowe ee caasimada Dawlada Puntland iyo Gobolada Kale ee Puntland lagu qabto bandhigyo lagu soo bandhigayo buug gaaraysa 250 oo ay qoreen abwaano iyo qorayaal soomaaliyeed ayna daabacday shirkad lagu magacaabo Scansom publishers oo ku taala wadanka swedan.

Qoraa iyo Cilmi Baare Maxamed Shiikh xasan Nuur oo ah Gudoomiyaha shirkadan daabacaada Buugaagta iyo asaasaha ayaa radio PSU uga waramay,muhiimada laga lahaa dhismaha iyo qorista buugaagtan ku qoran afkeena hooyo. 

Bandhigan Buugaagta Ku qoran Afka Soomaaliga ayaa sidoo kale ay damacsanyihiin qorayaashu inay ku soo bandhigaan Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu halkaas oo loo diyaariyay lana dayactiray qayb kamid ah Daartii Boqor Cismaan oo saldhig u ahayd  Allaha u Naxariistee Boqorka.

buugtaan ayaa sida cilmi baaruhu sheegay waxaa qoray qoraayaal soomaaliyeed iyo kuwa ajnabi ah 

Qoraa iyo Cilmi Baare Maxamed Sh xasan Nuur ayaa waraysi dheer oo uu kaga hadlay taariikhdiisa qaraa ahaan iyo bilowga mashruucan qorista buugaagta ku qoran af soomaaliga  siiyay Idaacada PSU waxaana waraystay wariye Fahad Jaamac ciise

Halkan Hoose Ka Dhagayso waraysiga oo dhamaystiran:



BAARGAAL.NET 
isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain