Dhegeyso :Wasaaradda Haweenka Puntland Oo Kulan Wacyi-galin ah oo looga hadlayo xumaha Xanta iyo Been abuurka u qabatay Haweenka Iyo Ardayda Jaamacadaha Garoowe

Dhegeyso :Wasaaradda Haweenka Puntland Oo Kulan Wacyi-galin Ah ah oo looga hadlayo xumaha Xanta iyo Been abuurka u qabatay Haweenka Iyo Ardayda Jaamacadaha Garoowe


Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska dowladda Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa haweenka ku dhaqan Magaaladda Garoowe u qabatay kulan diimeed wacyi-galin ah oo looga hadlayo xumaha Xanta iyo Been abuurka oo xaaraam ka ah diinta Islaamka.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa waxaa ka soo qayb-galay wasiirka wasaarada haweenka puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin,Culimo,haween,ardayda jaamacadaha Garoowe,shqalaaha wasaarada iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Waaxda arimaha qoyska iyo wacyi galinta diinta Xaliimo Maxamed Faarax oo ugu horayn kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in kulankan loo soo abaabulay sidii haweenka looga wacyi galin lahaa in ka dheeraadaan xanta iyo Been Abuurka islamarkaana ay ku dhaqmaan diinteena Suubaan ee Islaamka.

Shiikh Axmed Maxamed Faarax(Dabiix) oo kamid ahaa culimadii muxaadarada ka jeedisay kulanka ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay diintu ka qabto Xanta iyo Been Abuurka waxaana uu sheegay in dadka Muslimiinta ay xaaraam ka tahay in ay is xantaan isagoona arinkaas u soo daliishaday aayadao qur,aanka iyo xadiiska Nabigeena,shiikha ayaa intaasi ku daray in wanaaga iyo karaamadu ay ku jirto cabsida Eebe.

Ugu danbayntiina Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowladda Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay ku dadaali doonto sidii umada ay ugu wacyi galin lahayd tubta toosan ee diinta islaamka.

Wasiir Aniso c/qaadir xaaji muumin ayaa sheegtay in ahamiyad gaar ah siin doonto arimaha diinta isku wacyi galinta Diinta Islaamka waxaana ay sheegtay in kulamada noocaan oo kale ah ay joogtayn doonaan ay dhawaan qaban doonaan kulamo kale oo bulshada lagu wacyi galinayo ku dhaqanka diinta Islaamka.

Wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska dowladda puntland ayaa mudooyinkii danbe waday wacyi galin ku saabsan ku dhaqanka iyo fahanka diinta Islaamka waxaana talabaadan si weyn u soo dhaweeyey ka soo qayb-galayaasha kulankan.


Halkaan ka dhegeyso wasiirada oo ka hadlaysa kulanka 



SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain