Faallo :Go,aankii dowladda 7 april 2015 ma garbuu ahaa ??? Qore asad faarax Maxamed (heelo)

Faallo :Go,aankii dowladda 7 april 2015 ma garbuu ahaa ??? Qore asad faarax Maxamed (heelo)
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda soomaaliya uuna u akhriyey wasiirka arimaha dibada abdisalaan omar ayaa lagu sheegay inay dowladda somaliya si buuxda u siisay taageero cirka,dhulka iyo hawadaba ah isbaheysiga ka dhanka ah xuuthiyiinta ee loolanka ugu jira hanashada dalka yamen, arintaani waxay kusoo aadaysaa qarniga 21aad oo awooda dunida ay ku lagdamayaan dalal dhaca galbeedka dunida gaar ahaan bariga fog ee yurub sida ruushka iyo galbeedka fog ee ameerika sida mareykan waxaase intaas dheer arin aan ladhayal san Karin oo ah dagaalka diimaha iyo rumeynta ama sida afka qalaad lagu dhaho (believes and religion war) arintaani waxay saameyn weyn ku yeelatay dalalka islaamka ah oo kor haaye hoos u kala dagay isla markaana ukala jabay shiico iyo sunni oo ah labada garab ee ugu waaweyn tiro iyo taya ahaanba cududaha islaamka maanta, 

aynu sababeynee waa mida maanta dhalisay gulufka colaadeed ee ka aloosan gacanka carbeed gaar ahaan yamen hadaba mudane/marwo ma garbaa iyadoon ogsoonahay tirada iyo duruufta qaxootiga iyo ardeyda somaliyeed ee yamen kusugan in dowladda somaliya go,aankaan qaadato? Jawaabta intaynaan dhinac u ridin bal aan xogtan dhuuxno:

Shacabka somaaliyeed ee yaman kusugan?

Kadib burburkii halakeeyey dalka 1991 waxaa isasoo tarayey tirada dadka somaliyeed ee soo maciin biday yamen bal inay ka helaan nolol kafiican tii dhaxal siisay barakaca, dadkaas oo duruufo kaladuwan ku nool howguba weynadaan hanfaryo iyo hagardaamo ayaa tiradoda lagu sheegay 240,000 meesha ardayduna tahay ku dhawaad 4000 sida aan kasoo xigtay warbixin lagu baahiyey mareegta Aljazeera 14/jan/2015 hadaba meeshay naflacaariga ku ahaayeen haday burburtay sow kud ka guur oo qanja u guur ma aha?

meesha aduunku daabushay dadkiisii somalidu meysan helin ilaayo haatan dowladd u gargaarta iyagoo dareenkooda ku muujiyey mudaaharad dhacay 8/april/2015 kaasoo isugu jira cabashiyo catow kana dhacay yamen.

Kaalinta dowladda somaliya?

Dabcan cadowgaa cadowgiisu waa saaxiibkaa sidaas la ajligeed hadii dowladda soomaaliya kasoo horjeedsaday xuusiyiinta iyana waxay ku cara dhacaayaan  shacabka somaliyeed ileen jidhaca leyskuma cariyo oo hadaad isagoo kugu dul socda dhaq dhaqaaqdo wuu ku qaniinayaa, lagana yaabo in duqeyntaas ay dadka ula siman yahiin u dheeraato gumaad isir maadama qaniinyaba qaniinyo kaa fujiso, intaas waxaa dheer dowladeenu hadaysan tabar ahaan daabuli Karin, magaran weyday sacuudi aan hal qof kajoogin isku dan iyo daaro manihin,hadiise lagu khasbay mey hishiis la galaan xulafada ooy dhahaan shardi waxaa ah inaad noo soo daad gureysaan shacabka soomaliyeed si aan hishiiskiina u yeelo dabcan waa xeelad macquul ah shacabkuna ku badbaadi karaan dhinac walba ,hadayse arintu cakiranto oo dagaalkii sedexaad ee dunidu qarxo soomaliya waxay dhacdaa kob haldoora hadii lagu hardamana cidi inoogama liidato.


Fiiro Gaar Ah :hadii malaayiin lacaga lagaa dhaco waxaa ka qiima badan in ruux lagaa dilo maadama uu ruuxu abuuro lacagta ee aan lacagtu ruuxa abuurin,sidaas la ajligeed shacabka soomaliyed ee yamen arintoodu waa arin taagan una baahan gargaar iyo garab istaag ee aan u baahneyn xeerinta arima siyaasadeed.


wixii intaasi dheer oo ku saabsan maqaalkan kala xiriir qoraaga maqaalkan 

Asad farah Mohamed (heelo)
heelo111@hotmail.com

Aragtida Maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga Hadii aad rabto maqaal ama fikrad inaad u soo dirto Shabakada BAARGAAL.NET noogu soo hagaaji Email: Baargaal@gmail.com 

SHABKADA BAARGAAL.NET

Isha wararka Horumarka Calbari 
Developed by Jago Desain