Fadlan Ka Qayb Qaado Dhismaha Masjidka ALBADAR ee Degmada Baargaal oo dib u dhiskiisu bilowday maanta (Sawiro)

Fadlan Ka Qeeyb Qaado Dhameeystirka Masjidka al Saabiqiin ee Degmada Baargaal oo dib u dhiskiisu bilowday (Sawiro)
Masjidka Al Badar ee Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu oo dhisnaa mudo ka-badan 200 sano, ahaana mid qaada dad yar ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 / 4 /2015 la bilaabay dib u dhiskiisa, si loo balaariyo loogana dhigo masjid wayn oo casri ah  si muslimiin badan ay ugu tukadaan,madaama ay dadka magaaladu aad u kordheen.

Shiikh Daahir Faatax Maxamuud oo kamid ah Hawlwadeenada Masjidka ahna imaamka Masjidka Al Badar iyo qaar kamid ah culumada Degmada ayaa ka codsaday Dadka Kheyrka Jecel inay ka qeyb qataan Dhismaha Masjidka al badar oo uu maantay Bilowday Dib U dhiskiisu. 

Shiikh daahir ayaa ugu baaqay dhamaan umadda Islaamka ah iyo jaaliyadaha dibadaha  gaar ahaan kuwa u dhashay G/Gardafuu inay gacan ka gaystaan si ay uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha masaajidkan , wuxuuna sheekhu ka hadlay Khayrka iyo ajarka uu leeyahay masaajid aad ilaahay hortiis uga Qayb Qaadato oo aad gacan ka gaysato.

 Dhinaca kale waxaa dhismaha masaajidkan soo dhaweeyey shacabka ku dhaqan Guud ahaanba Degmada Baargaal oo sheegay inay baahi wayn u Qabaan dhismaha masaajidkan oo ay sheegeen inay aad ugu farxasan yihiin waxayna ugu baaqeen umadda islaamka ah inay gacan dhaqaale ka gaystaan masaajidkan.

Wax kasta oo la bixiyaa waxaa ugu kheyr badan dhisida guriga eebe iyadoo ajar aduun iyo mid aakhiraba aad ka heyleyso


Ciddii doonaysa in dar Ilaahay ay ula baxdo sadaqo oo ka qayb qaadato Dhismaha Masjidka Al- Badar waxay ku soo diri kartaa Accoonkan iyo taleefoonada hoos ku qoran.

Iftin Bank Bosaso, Acount No: 258
Tell 7613187, oo laga helayo Sheekh Daahir Faatax


Hoos ka daawo Sawiro laga soo qaaday Masjidka al badar oo shaqadii dib u dhiskiisu maantay bilaabatay 





 


Developed by Jago Desain