LIX XANUUN OO ISTICMAALKA KALLUUNKU KA HORYTAGO

LIX XANUUN OO ISTICMAALKA KALLUUNKU KA HORYTAGO
Cunitaanka joogtada ah ee kalluunka waxa uu ka caawiyaa dadka, kana hor tagaa xanuunno badan oo halis ah.

Kalluunku waa cunto runtii aad u muhiim ah, waxaana ka buuxa fiitamiino iyo macdanno, kuwaasoo ay ugu muhiimsan tahay duxda (omega-3 fatty acids) oo ku jirta saliida kaluunka ee loo yaqaan salmon.

kalluunku waxa uu awood u leeyahay ka hortaga xanuunnada Kansarka, murugada badan (depression) ee keenta madax xanuunka.

Lix faa’iido ee ay kalluunka cunitiisu leedahay:

1. Waxa uu la dagaalamaa wadne xanuunka

Xarunta ka hortaga wadna xanuunka  ee dalka Ingiriiska ( British Heart Foundation) ayaa sheegtay in cunitaanka kalluunku ay hoos u dhigto khatarta cudurrada ku dhaca wadnaha, waxaana kor u qaadaa fursadaha badbaadiya wadne istaaga. Sidoo kale waxa uu hoos u dhigaa heerka subaga dhiiga. Waxa kale oo ay saliidda kalluunka la aaminsan yahay inay ka hortagto xir-xirnaanta dhiiga, taasoo sababi karta khatar ku timaada shaqada wadnaha .

2. Waxa uu caawiya maskaxda iyo shaqadeeda

Duxda laga helo saliidda kalluunku waxay ka hor tagtaa khatarta ama dhaawaca ku yimaada unugyada maskaxda. Isticmaalka kalluunku waxay sidoo kale hoos u dhigtaa dhiig-karka, taasoo xiriir la leh inay si fiican u shaqayn waydo maskaxdu. 

Daraasad Faransiiska lagu sameeyay dad gaaraya 2000 oo qof waxay soo saartay in dadka cuna cuntada badda todobaadkii hal mar inay faa’iido u leedahay hoos u dhiga xanuunnada maskaxda saameeya, marka loo eego dadka aan cunin kalluunka muddo todoba sanno ah.

3. Waxa uu kalluunku la dagaalamaa xanuunka Kansarka

Daraasad laga sameeyay 6000 oo qof oo rag ah muddo sodon sanno ah waxay iyaduna soo saartay in qofka aan cunin kalluun oo uu halis u yahay kansarka ku dhaca qanjirada, marka loo eego qofka si caadi ah u isticmaalka kalluunka noocyadiisa kala duwan.

4. Cunitaanka kalluunku waxa uu hoos u dhigaa werwerka

Waxay warbixinuhu sheegaan in isticmaalka kalluunku uu hoos u dhigo werwerka. Sidoo kale waxa la aaminsan yahay inuu kor u qaado waxlaha ay u baahan tahay shaqada maskaxdu.

5. Waxa uu ka hortagaa xanuunnada madaxa saameeya
Bulshada cunta kalluunku waxay ka badbaadaan xanuunnnada ku dhaca madaxa, sida xumadda badan, dhan-jafka iyo dawakhaada.

6. Waxa uu u Fiican yahay dubka jirka

Marka loo eego daraasado badan oo laga sameeyay meelo kala duwan oo caalamka ah kalluunka, gaar ahaan cunitaanka noociisa loo yaqaan salmon waxa uu caawiyaa dubka jirka bani’aadamka, isla markaana waxa uu ka ilaaliyaa coor-coorka.

Noocyada kalluunka ee ugu faa’iidada badan waxa ka mid ah:
Kalluunka Cad, waxaana ku badan macdanaha iyo barootiinada hoos u dhiga subaga dhiiga.

Saliidda noocyada kalluunka, sida sardines, pilchards, salmon and mackerel, waxay leeyihiin duxda omega-3 oo faa’iido badan leh.

Kalluunka Crab, lobster and mussels waxay la dagaalamaan xanuunka Kansarka.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain