SHEEKADA MAANTA : LABADII XAASID EE KALA DARNAA

SHEEKADA MAANTA : LABADII XAASID EE KALA DARNAA
Xaasinimadu waxay ka mid tahay dabeecadaha ugu xun ee qof yeesho Ilaahay iyo adoomiyiisuba ma jecla qofka xaasidka ah.

Laba nin oo ah dadka xaasidnimada badan baa maalin la kulmay boqor.


Labadii xaasid markay boqorkii la kulmeen ayuu boqorkii yiri " wax i waydiista, anna waan idin siinayaa. Nin ayaan wax siinayaa. Kan labaadna  waxaan siinayaa intii kii hore aan siiyay laban laabkeed.


Markuu boqorkii sidaa yirii ayay labadii nin is yiraahdeen " waar adigu hadal, iyo maahee adigu hadal", si uu nin walba ugu dambeeyo, ka dib na u helo kan hore inta uu qaatay labadii. 


Labadii nin way is mari waayeen oo hadalkii ayay isku celceliyeen.


Boqorkii wuxuu arkay in raggii kala bixi waayeen, oo mid walba rabo inuu ugu dambeeyo, si uu kan kale uga sad badsado.


Boqorkii baa mid amar ku siiyay inuu isagu hor sheegto waxa la siinayo. Ninkii intuu naxay ayuu garan waayay wax uu sameeyo, waayo wuxuu ka xumaaday in nin kale ka wax badsado, boqorkiina wuu ka cabsaday inuu hadalka ku celiyo.


Muddo intuu fakiray ayuu boqorkii ku yiri " boqoroow waxaan rabaa inaad hal il iga saartid", si ninka kalena labadaba looga saaro.. Cajiib..


Sheekadani waxay tilmaamaysaa dhibaatada ay leedahay xaasidnimadu.. ilaahay ha inaga hayo




Developed by Jago Desain