Sheekada Maanta : waranka dhig aniga iyo waraabuhu waan heshiinaye

Sheekada maanta waxaan ku soo qaadanaynaa sheeko ila qosol ah 

nin ayaa waxa dhibay waraabe oo habeen walba u soo dhaca oo xoolo ka qaata.
maalintii dambe ayuu u fikiray waxuuna xeradii ka qoday god si uu waraabuhu u galo, oo uu u dilo ....

habeen habeenada ka mida ayuu odaygii reerku maqlay jabaq(cod) markasuu soo booday oo isagoo xoog u ordaya ku dhacay godkii, 
nasiib daro waxa isna godkii ku soo dhacay waraabihii. 

odaygii reerku aad iyo aad ayuu u cabsaday ,xaaskiisa oo dardaarankii odayga qabtay ayaa maqashay oo la soo carartay waran si ay u disho waraabaha ... 

odaygii reerka ayaa godka kasoo qayliyay oo dhahay cibaado waranka dhig aniga iyo waraabuhu waan heshiinaye jid uu ka baxana sii

Lool

Shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka Deegaanada Calbari 
email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain