Waxgaradka Gobolka Gardafuu Oo Cabasho Ka Muujiyay Xanibaad Ka Saaran Shidaalkii Uga Imaan Jiray Dekedda Bosaaso

Waxgaradka iyo ganacstaada gobolka Gardafuu ayaa cabasho ka muujiyay xayiraad ay sheegeen in lagu soo rogay shidaalkii deegaankaasi uga imaan jiray dekedda magaalada Bosaaso oo amar lagu siiyay in wax shidaal ah aysan u qaaadi karin deegaankaasi , sida ay sheegeen waxgaradka iyo ganacsatada gobolka Gardafuu.

Nabadoon Axmed Maxamed Maxamuud oo la hadlay raadiyaha Daljir ayaa ku tilmaamay xanibaaddaasi inay saamayn ku yeelatay shaqooyinka gaadiidka kalluumaysiga iyo kuwa beriga ee deegaanka ee dadka deegaanka ay ku kaluumaysan jireen iyo arimaha bulshada ee deegaanka.

Nabdoon Axmed Maxamed Maxamuud ayaa ku tilmaamay sababta shidaalka looga joojiyey in lagu eedeeyey in ay shidaalka ay u sii raraan dalka yemen oo ay dagaalo ka socdaan si ay ugu taageeraan kooxaha Xuutiyiinta ee dagaalka ka wada dalkaasi waxaana uu ku tilmaamay eedayntaasi mid aan maqraati loo hayn aysana wax shidaal ah u dhoofin dalka Yemen.

Nabdoonka ayaa ka codsaday dowladda Puntland in sida ugu dhaqsiyaha Badan looga qaado xayiraada laga saaray Shidaalka waxaana uu sheegay in doonyahihii iyo laashashkii ay ku kaluumaysan jireen inay u fadhiyaan shidaal la,aan taasi oo samayn ku yeelatay buu yiri dadka deegaanka.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain