Akhriso qodobada War Murtiyeedkii laga soo saaray Wajiga labaad ee shirka Wadashiga federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah

Shirkii ka socday Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntlane ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ka dhisan, ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo lagu heshiiyay.

Qodobada lagu heshiiyay ee ay isla garteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada ayaa ka kooban 7-qodob.
Qodobka ugu horeeya ayaa ka hadlaayo fulinta Heshiiyadii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ay horay u wada gaareen, iyadoo Guddi gaar ah loo xil saaray fulinta arimahaasi.

1:Fulinta heshiisyadii horay loo gaarey
2:Dastuurka iyo arrimaha federaalka
3:Dhismaha maamullada qaybta ka noqonaya federaalka.
4:Higsiga 2016
5:Amniga
6:Qaybsiga khayraadka dabiiciga ah
7:Baahinta maamulka-


Qodobadaan ayaa waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada kala ah, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed.


Hoos ka akhriso Qodobada :


1- Fulinta iyo hirgelinta heshiisyadii horey loo gaarey:
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, waxay isku afgarteen dardargelinta iyo fulinta dhammaan heshiisyadii ay horey u gaareen dhinacyadu, si arrintaas loo gaaro, waxaa lagu heshiiyey in la magacaabo guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas. Waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomey heshiisyadii la galay.

2- Dastuurka iyo arrimaha federaalka:
In la dardargeliyo geeddi-socodka dib u eegista dastuurka, waxay madashu isku raacdey in la dhameystiro xubnaha ka dhiman guddiyada dib u eegista iyo kormeerka dastuurka ee ka imaanaya dowladaha xubnaha ka ah federaalka, sida ku cad qodobka 133 faqraddiisa labaad xarafka (a) iyo qodobka 134 faqraddiisa labaad.

3- Higsig 2016
Waxaa laysku raacay in dalka Soomaaliya ay ka qabsoomaan doorashooyin xor ah marka la gaaro 2016.Waxaa lagu heshiiyey in talada geeddi socodka Higsiga 2016 ay ahaato mid loo dhan yahay.

4- Dhismaha dowladaha xubnaha ka noqonaya Dowladda Federaalka
a)- Dhismaha dowladaha ka mid noqonaya Dowladda Federaalka waa in uu ku saleysan yahay dastuurka kumeel gaarka ah.

b)- Waxay madasha wada-tashigu isku raacdey in dhismaha maamulka kumeel gaarka ah ee gobollada dhexe ee ay Dowladda Federaalku hoggaamineyso lagu saleeyo heshiiskii October 14, 2014 qodobkiisa 13aad ee ay isla gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland.

c)- Ergooyinka ka socda gobolka Mudug qaybta Puntland lagama qayb gelin karo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.

5- Amniga:
a)- Dhismaha iyo isku dhafka ciidan qaran (Somali National Army).

b)- Waxaa laysku raacay in la hirgeliyo is-afgaradkii April 12, 2015 ee Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Dowladda Puntalnd Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasoo tilmaamayey in Puntland 3000 oo askari looga qoondeeyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo in Dowladda Dhexe ay la wareegto xuquuqda ciidankaas.

c)- In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageero guud siiso dowladaha xubnaha ka ah federaalka, gaar ahaan in Dowladda Puntland laga caawiyo la-dagaalanka argagixisada iyadoo cabsi laga qabo in argagixisadu kasoo gudubto xuduud-badeedka u dhexeysa Yemen iyo iyo Soomaaliya.

d)- In Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalku ay abuurto xiriir iyo is-kaashi joogto ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Amniga dowaldaha xubnaha ka ah federaalka, gaar ahaan arrimaha khuseeya amniga iyo la-dagaalanka argagixisada.

e)- In la diyaariyo qorshe mideysan oo looga saarayo ururka [Al-shabaab] deegaannada weli gacantooda ku harsan.

f)- In sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo guddiga amniga qaranka sida ku cad dastuurka kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka, cutubka 10aad qodobka 111 (h) ee tilmaamaya dhismaha guddiga amniga qaranka.

g)- Si loo dardar geliyo xoreynta iyo xasilinta deegeennada, waxaa beesha caalamka laga codsanayaa inay tageero buuxda ka geysato dhismaha ciidan boolis oo ay leeyihiin dowladaha xubnaha ka ah federaalka oo ku filan sugidda amniga, degmo walbana loo qoondeeyo 200 oo askari oo boolis ah.

6- Wadaagga Khayraadka:
Ka faa'iideysiga khayraadka dabiiciga ah
a)- In khayraadka dalka Soomaaliya ku jira uu yahay hanti umadda Soomaaliyeed ay wada leedahay, lana dhiiri geliyo sidii looga faa'iideysan lahaa.

b)- In la sameeyo islamarkaana la dhameystiro dhammaan shuruucda ku aaddan ka faa'iideysiga iyo wadaagga khayraadka dabiiciga ah.

c)- Si loo dedejiyo sameynta shruucda qaybsiga khayraadka dabiicig ah, waxay madashu ku heshiisey in la magacaabo muddo 45 cisho gudahood ah guddi ka kooban Dowaldda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah oo kasoo shaqeeya heshiis kumel gaar ah oo ku saabsan qaybsiga khayraadka dalka.

Qaybsiga deeqaha caalami ah iyo cabdiga cusub (New Deal)
a)- Waxaa lay isla gartey inaan lagu qanacsaneyn loona baahneyn in dib u eegis lagu sameeyo cabdiga cusub (New Deal).

b)- Deeqaha lagu helo magaca Soomaaliyeed in loo qaybiyo si caddaalad ah iyadoo la abuurayo jawi keeni kara kalsooni iyo hufnaan lana dhiso guddi farsamo oo ka kooban Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowaladaha xubnaha ka ah federaalka.



BAARGAAl.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain